Friday, November 6, 2026

Guryo tiro badan oo la Gubay Deeganka Oromada Iyo Amxaarada Oo Lagu Eedeeyay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Shalay waxaa la baahiyay muqaalka guryo tiro badan oo la gubay iyo dadkoodii oo la beegsaday. Gobalada Wollega, Deeganka Oromada meelo kamida ayay ka dhacday.

Jawar Maxamed iyo xubno kale ayaa weerarkan Axmarada ku eedeyay. Gobaladana waxaa sannadii tagay ka barakacay boqolal kun oo Axmaro u badan, markii dilkoodu batay ayay iyaguna is hubeeyen. Hada Axmarada hubaysan iyo Jabhada Oromaduba gobaladan way wadda joogan. Dhacdada hada taaganse kooxaha Axmarada lagu eedeyay.

Dhanka kale, xalay waxaa la baahiyay in 28 qof lagu dilay Degmada Robe ee gobalka Arsi. Dadkan oo Kiristan ahaa ayay Kiniisaduha sheegen in la xasuuqay. Todobadkan gudihiisana isla gobalkan Arsi waxaa lagu dilay 53 qof dad ka badan oo isku meel lagu aasay sida warbaahinta oo dhan baahinaysay. Waxaa la arkayay muqaalo dad Kiristan ah oo qasab lagu Musliminayo, dadkan Kiristanka ayaa waxaa kamid ah Oromo. Waana meelaha ay ku kala qaybsan yihiin.

Oromiya gobalo kamid ahna waxaa wali waxaa maamusha jabhada hubeysan ee OLA, oo dilal badan ka geysata.

Shimales, oo deeganka noocasa maamula Ciidankisu wuxuu awoodi waayay in dilalka gobaladaas joojiyo. Saddex sanno way soo noq-noqdaan. Waxay se maamulkisu Nafis siyaasaded ka dayayaan Mooyale, si taagere shacab uga hellaan, maadama gobalo badan dagaallo kaga furan yihiin.