Friday, November 6, 2026

Taliska Ciidanka Oo Abaal-marinaya Askarigii soo Qabtay Ninkii Dilay Walaalkii..

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Askari soo Qabtay Ninkii Dilay Walaalkii Oo la Abaal-marinayo..

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu abaalmarin iyo maamuus sare u samayn doonaa Askari Axmed Geeddi Maxamed Cabdi , kaas oo muujiyey hawlkarnimo iyo geesinimo .

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa Askari Axmed Geeddi Maxamed casuumay xafiiskiisa.

Sidoo kale, Taliyuhu waxa uu amray Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag in si degdeg ah loo keeno xarunta Taliska Ciidanka Booliska JSL, si loo maamuuso loona guddoonsiiyo abaalmarinta uu ku mutaystay hawlkarnimadiisa.