Ra’iisul Wasaaraha UK ee Keir Starmer ayaa soo dhaweeyay horumarka laga gaaray wada-hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, isagoo carrabka ku adkeeyay in muhiimadda ugu weyn ay tahay in Tehran aan loo ogolaan inay hesho hub nukliyeer ah.
Qoraal uu ku baahiyay barta X subaxnimadii maanta, Starmer ayaa sheegay in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo soo afjara xiisadda gobolka, gaar ahaan mid dib u furaya marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz, si loo xaqiijiyo xorriyadda maraakiibta iyo isu socodka ganacsiga caalamiga ah.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha UK ayaa yimid wax yar kadib markii Marco Rubio uu ka hadlay arrimaha la xiriira Iran xilli uu booqasho ku joogay Hindiya. Starmer ayaa tilmaamay in xasilloonida marin biyoodka Hormuz ay muhiim u tahay dhaqaalaha caalamka iyo amniga tamarta dunida.
Sidoo kale, Starmer wuxuu sheegay in dowladdiisu ay sameyn doonto “wax walba oo awooddeeda ah” si shacabka British-ka looga ilaaliyo saameynta colaadaha iyo xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe. Wuxuu intaa ku daray inuu sii wadi doono wada shaqeynta ay UK la leedahay saaxiibadeeda caalamiga ah si looga faa’iideysto fursadda hadda jirta, loona gaaro heshiis diblomaasiyadeed oo waqti dheer xal u noqda khilaafka u dhexeeya Iran iyo reer galbeedka.
Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda gobolka, iyadoo dalal badan ay ka walaacsan yihiin saameynta ay colaadahaasi ku yeelan karaan ganacsiga caalamiga ah, shidaalka, iyo amniga marin biyoodka Hormuz oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka adduunka maraan.
