Friday, November 6, 2026

Somaliya iyo Itoobiya Oo ka Wada shaqaynaya Heshiis ku Aadan Isticmaalka Dekedaha dalka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, (Cali Balcad) ayaa sheegay in wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku salaysan heshiiskii Ankara ay si wanaagsan u socdaan, isla markaana labada dal ay ka shaqaynayaan sidii Itoobiya ay deked ganacsi uga heli lahayd gudaha Soomaaliya.

Cali Balcad oo wareysi siiyay barnaamijka Straight Talk ee TRT World ayaa sheegay in heshiiska Ankara, oo Turkigu dhexdhexaadiyay bishii December 2024, uu ka kooban yahay laba qodob oo waaweyn: ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee labada dal, iyo wada-hadallo farsamo oo ku saabsan helitaanka deked ay Itoobiya isticmaasho.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay Itoobiya u aragto dal deris ah oo muhiim ah, isla markaana labada dhinac ay leeyihiin dano dhaqaale iyo amni oo isku xiran.

Wasiiru-dowluhu wuxuu sheegay in uu isagu booqan doono Addis Ababa, kaddib booqashadii uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay magaaladaas, taas oo uu ku tilmaamay astaan muujinaysa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Heshiiska Ankara ee 11-kii December 2024 ayaa dhigaya in Itoobiya ay heli karto marin-badeed ganacsi oo la isku halleyn karo, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.