Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa caawa Eisenkot u doortay inuu isku dayo dhismaha dawlad cusub. Eisenkot waa hoggaamiyaha xisbiga Yashar, wuxuuna hore u soo noqday taliyaha guud ee ciidanka Israa’iil. Go’aankan wuxuu cadaadis cusub saaray Netanyahu oo muddo dheer Israa’iil xukumayay.
Eisenkot waxaa taageeray 67 xildhibaan, halka Netanyahu uu helay 46. Toddobada xildhibaan ee xisbiga United Torah Judaism midkoodna ma taageerin labada dhinac. Waxay horey u ahaayeen xulafada Netanyahu, balse waxay ka soo horjeedaan siyaasadiisa,gaar ahaan dhallinyarada ku ad adag Yahuudnimada in lagu qasbo ciidanka inay ku biiraan.
Si kastaba ha ahaatee, Eisenkot weli ma haysto xaalad dowlad uu si fudud ku dhisi karo. Xisbiyada taageeray way ku kala aragti duwan yihiin cidda ay diyaar u yihiin inay xukunka la wadaagaan.
Labada xisbi ee Carabta ah, oo haysta 19 kursi, waxay doonayaan in Netanyahu xilka laga qaado. Waxay diyaar u yihiin inay Eisenkot taageeraan, laakiin qaar ka mid ah xisbiyada Yuhuudda ayaa diidan inay dawlad la wadaagaan xisbiyada Carabta.
Waxaa intaas dheer in Eisenkot uu doonayo xisbiyada uu dawladda la dhisanayo inay isku raacaan arrimo muhiim ah. Waxaa ka mid ah in dhammaan muwaadiniinta Israa’iil laga rabo adeeg ciidan ama mid qaran, iyo in awoodda Xamaas ee Qasa la soo afjaro.
Netanyahu isaguna weli ma quusan. Xisbigiisa Likud ayaa ah kan ugu kuraasta badan baarlamaanka, balse isaga iyo xulafadiisu waxay haystaan 53 kursi oo keliya. Taasi kuma filna inay dawlad dhistaan.
Eisenkot waxaa la siiyay 28 maalmood oo uu ku soo dhiso dawlad, waxaana loo kordhin karaa 14 maalmood oo kale. Haddii uu ku guuldarraysto, Netanyahu wuxuu heli karaa fursad kale. Haddii labada dhinacba ku guuldarraystaan, Israa’iil waxay geli kartaa doorasho cusub.
Waxaa xaaladdan ka muuqda isbeddel siyaasadeed oo weyn. Netanyahu oo dagaalka Qasa ku qaaday weerarro sababay xasuuq iyo burbur, ayaa maanta wajahaya xaalad ay siyaasiyiinta Carabta ee Israa’iil codkoodu uu qayb ka noqon karo go’aanka cidda Israa’iil hoggaaminaysa.
Haddii Eisenkot ku guulaysto inuu xisbiyada isku keeno, Netanyahu wuxuu lumin karaa xukunka. Haddii uu ku guuldarraysto, Netanyahu weli wuxuu heli karaa fursad uu ku sii joogo kursiga.
Laakiin hal arrin ayaa is beddeshay. Netanyahu oo muddo dheer ahaa ninka siyaasadda Israa’iil gacanta ku hayay, maanta ma hubo inuu sii ahaan doono hoggaamiyaha Israa’iil, laakiin lama joogo meel si cad loo oran karo waxaa la soo afjaray waayihiisa siyaasadeed.
