Magaalo ku Taalla Itoobiya Oo Dadkeeda Lagu Amray Inay Laayaan Eey-da ku Nool Magaladaasi

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dadka ku nool magaalada Hosaana ee bartamaha Itoobiya ayaa lagu qasbay inay dilaan boqolaal ka mid ah eeyahooda, kaddib markii saddex carruur ah ay u dhinteen cudurka raabiyada oo ka dhashay qaniinyo Eey.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC in maamulka magaalada ay ku amreen dadka inay dilaan eeyahooda, iyagoo uga digay in ganaax iyo xarig la marsiin doono cid kasta oo ka hor timaadda amarkaasi, xitaa haddii eeyga laga tallaalay cudurka raabiyada.

Duqa magaalada Hosaana, Samuel Shigute, ayaa sheegay in amarkan la soo saaray kaddib markii saddex carruur ah ay dhinteen, halka ku dhowaad 80 qof oo kale isbitaallada loo dhigay dhaawacyo ka dhashay qaniinyo eeyo.

Goobjoogayaal ayaa BBC u sheegay in markii amarka la dhaqan geliyay, qaar ka mid ah milkiilayaasha oo ka caga jiidayay dilka eeyahooda ay ku dileen iyagoo ul ku garaacay, halka kuwo kalena loo dhiibay dad loo xil saaray inay gowracaan.

BBC ayaa sheegtay inay heshay sawirro muujinaya meydadka eeyo geedaha ka laalaada iyo kuwo kale oo dhowr eey oo dhintay ay yaalliin dhul bannaan, iyadoo qoortooda ay ku xiran yihiin xarig. Sawirradaas ayaan la baahin karin maadaama ay yihiin kuwo aad u naxdin badan.