Saturday, November 7, 2026

kumannaan Ciidamo ka socda Suuriya Oo loo Diro Sacuudiga iyo Yemen,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamo ka socda Suuriya oo kumannaan gaaraya ayaa la filayaa in loo diro Sacuudiga iyo Yemen, si ay uga qeyb qaataan howlgalka isbaheysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen, sida ay saraakiil Yemeni ah u sheegeen wakaaladda wararka AFP.

Ilo milatari ayaa sheegay in boqolaal askari oo Suuriyaan ah ay durba gaareen labada dhinac ee xadka Sacuudiga iyo Yemen, halka qorshuhu yahay in guud ahaan la diro ku dhowaad 3,000 oo askari.

Heshiiskan ayaa la sheegay in lagu ansixiyay booqashadii Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharaa, uu toddobaadkan ku tagay magaalada Riyadh, halkaas oo labada dal ku kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi oo uu ku jiro mid dhinaca difaaca ah.

Saraakiil milatari oo Yemen ah ayaa AFP u sheegay in ciidamada Suuriya ee horey u gaaray gudaha Yemen ay hoggaaminayaan howlgallada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.