Monday, November 9, 2026

Israel Oo Sheegtay In Hawlgalkeeda Ka Dhanka Ah Iiraan Uusan Weli Dhammaan.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in hawlgallada militari ee ka dhanka ah Iiraan aysan weli dhammaan, isaga oo Tehran ku eedeeyay inay dib u bilowday dadaallada ay ku horumarinayso hubka nukliyeerka.

Katz ayaa sidoo kale ka digay in Israa’iil ay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay u aragto inay ku ciribtirayso khataraha amni, isagoo sheegay inaysan ka bixi doonin goobaha amniga ee Gaza, Lubnaan iyo Suuriya ilaa khatarahaas laga saaro.