Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga Soomaaliya, horumarradii ugu dambeeyay ee dhanka difaaca, howlgallada ciidamada dowladda ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda kala-guurka ee howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), iyo saameynta ay iskaashiga caalamiga ah ku yeelan karto dadaallada Soomaaliya ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa kulanka ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula socoto qorshayaal iyo dhagarro uu sheegay inay wadaan dhinacyo shisheeye oo uu ku eedeeyay inay halis ku yihiin amniga, xasilloonida iyo madax-bannaanida dalka. Waxa uu caddeeyay in dowladda aysan oggolaan doonin in ajendayaashaas ay ka hirgalaan gudaha Soomaaliya.
Dhankiisa, Wasiir Fiqi ayaa dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay mowqifka Beijing ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya kala shaqeeya xiriirka diblomaasiyadeed, horumarinta iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyadoo labada dowladood ay daneynayaan sii xoojinta xiriirkooda.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, iyo diblomaasiyiin ka socday Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu horumarinayo awoodda ciidamadeeda, laguna xoojinayo iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
