Wasiirka Amniga Oo Kulan la Qaatay Gudiga Nabadaynta Beelaha ku Dagaalamay G.Awdal iyo Salal.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Somaliland Cabdale Maxamed Carab, ayaa maanta kulan xog waraysi ah la qaatay golaha Guurtida ee loo xilsaaray nabadaynta beelaha colaadu ku dhex-martay gobolada Awdal iyo Salal.

Ujeedada Kulankan ayaa ahayd in loo gudbo hirgalinta Qorshaha wajiga labaad ee Gogosha Nabada, iyado xukuumadu hore ugu guulaysatay fulinta xabad-joojinta la dhex-dhigay beelihii ku dagaalamay Gobolladaasi.

Wasiir Cabdale ayaa si wayn ugu mahad celiyay Xildhibaanada Gollaha Guurtida ee ku hawlanaa nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah, isagoo sidoo kale sheegay in ay gudidu si wayn isaga xil saartay sidii ay deegaanadasi uga hirgeli lahayd nabad buuxda, taas oo saldhig u ah guud ahaan nabada iyo wada noolaanshaha shacabka.

Sido kale gudida Xildhibaanada Gollaha Guurtida ee loo xilsaaray Nabada, ayaa u mahad celiyay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, oo ay sheegeen in uu markasta kala shaqeeyo hawlaha nabada iyo isku soo dhawaynta labada beelood ee walaalaha ah.

Ugu denbeyntaa madaxda Kulantay ayaa isla qaateen in la dhamays tiro lana sii amba qaado Habsami u socodka Kulanka Gogosha Nabada ee Lagu Dhexdhexaadinaayo Labadii beelood ee Shaqaaqadi dhex Martay.