Trump Oo Sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Britain Uu Xilka Banayn-doono Dhawaan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sida ay qortay Reuters, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, uu iska casili doono xilkiisa.

Trump ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Truth Social ku sheegay in Starmer uu ku fashilmay laba arrimood oo uu ku tilmaamay kuwo muhiim ah, kuwaas oo kala ah siyaasadda socdaalka iyo tamarta.

“Keir Starmer wuxuu iska casili doonaa xilka Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska. Wuxuu si weyn ugu fashilmay laba arrimood oo aad muhiim u ah; socdaalka iyo tamarta,” ayuu Trump ku qoray bartiisa.

Ilaa hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Britain oo xaqiijinaya hadalka Trump ama muujinaya in Starmer qorshaynayo inuu xilka ka dago.