Monday, November 9, 2026

Ramla Ali Oo ku Guulaysatay Horyaalka Feerka Dunida ee Gabdhaha.(Sawirro)

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Feeryahanadda Soomaaliyeed ee Ramla Ali ayaa guul taariikhi ah ka soo hoysay ciyaaraha feerka, kaddib markii ay garaacday feeryahanka Mareykanka ee Mikiah Kreps, taas oo u suuragelisay inay markii ugu horreysay taariikhdeeda ku guuleysato horyaalnimada adduunka.

Ramla Ali ayaa guushan gaartay habeenkii Axadda, 8-da November 2026, xilli tartan feer ah oo ka dhacay magaalada Arlington ee gobolka Texas, Mareykanka, iyadoo labada feeryahan ay ku tartamayeen suumanka bannaan ee horyaalnimada adduunka ee ururrada WBO iyo IBF, qeybta miisaanka Junior Featherweight.

Go’aanka garsoorayaasha ayaa ahaa mid loo kala qaybsamay (Split Decision), iyadoo labo garsoore ay guusha siiyeen Ramla Ali, halka garsooraha saddexaad uu guusha u arkay Mikiah Kreps.

Labada dhibcood ee Ramla lagu siiyey waxay kala ahaayeen 97-92 iyo 96-93, halka garsooraha kale uu 98-91 ku qiimeeyey Kreps.

Sidaas ayay Ramla Ali ku hantiday labada suun ee WBO iyo IBF, iyadoo noqotay horyaalad adduunka ah markii ugu horreysay xirfadeeda feerka.

Guushan ayaa ah mid taariikh weyn u leh Ramla Ali iyo bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay nolosheeda ku soo martay marxalado adag ka hor inta aysan gaarin heerka ay maanta taagan tahay.

Ramla Ali iyo qoyskeeda ayaa Soomaaliya ka qaxay sannadkii 1992, xilligii uu socday dagaalkii sokeeye, iyagoo markii dambe deggay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Waxay feerka bilowday iyadoo dhalinyaro ah, iyadoo markii hore si qarsoodi ah u tababaran jirtay, maadaama qoyskeedu uusan ogeyn inay ku hawlan tahay ciyaartan.

Sanadkii 2020 ayay taariikhda gashay markii ay noqotay feeryahankii ugu horreeyey ee Soomaaliya u matala ciyaaraha Olombikada, iyadoo ka qayb gashay tartankii Tokyo.

Waxay sidoo kale noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah oo ku guuleysata horyaalka feerka hiwaayadda ee England.

Guusheeda cusub waxay timid kaddib markii ay sanadkii 2023 ku guuldarreysatay isku daygeedii koowaad ee horyaalnimada adduunka, markaas oo ay la kulantay feeryahanadda reer Mexico Yamileth Mercado.

Inkasta oo Ramla Ali loo aqoonsaday guuleystaha, haddana natiijada ciyaarta ayaa dhalisay dood iyo muran dhanka taageerayaasha iyo falanqeeyayaasha feerka ah.

Tirakoobka feerarka ayaa muujiyey in Mikiah Kreps ay ku dhufatay Ramla 115 feer, halka Ramla ay ku guuleysatay 78 feer oo keliya. Sidoo kale, Kreps ayaa ku horreysay tirada feerarka culus ee bartilmaameedka gaaray, iyadoo lahayd 91, halka Ramla ay lahayd 70.

Ramla ayaa hase yeeshee ciyaarta ku yeelatay guul muhiim ah wareegii saddexaad, markii ay feer xooggan ku ridday Kreps, taas oo garsoorayaashu u diiwaangeliyeen knockdown.

Saddexda garsoore ayaa ku kala aragti duwanaaday natiijada, iyadoo mid uu guusha siiyey Kreps, halka labada kale ay Ramla u xukumeen. Wargeyska The Guardian ayaa isaguna sheegay in qiimeyntiisa ciyaartu ay guusha u aragtay Kreps, taas oo sii kordhisay muranka natiijada.

Kaddib markii lagu dhawaaqay guusheeda, Ramla Ali ayaa ilmeysay, iyadoo sheegtay in guushan ay xambaarsan tahay qiimo weyn oo dhinaca qoyskeeda ah, gaar ahaan geerida aabbaheed oo geeriyooday bishii May ee sannadkan.

Waxay sheegtay in tababaraheedu dhiirrigeliyey ka hor ciyaarta, isaga oo xusuusiyey aabbaheed, taas oo ku dhalisay inay dadaal dheeraad ah muujiso.

Ramla ayaa hadal ay ka jeedisay gudaha goobta ciyaarta ku sheegtay:

“Ma awoodo inaan erayo ku cabbiro waxa ay guushani ii tahay iyo waxa ay uga dhigan tahay Soomaaliya oo dhan.”

Waxay intaas ku dartay inay rajaynayso inay dhiirrigelisay gabdhaha iyo wiilasha Soomaaliyeed, si ay u rumaystaan riyooyinkooda una gaaraan himilooyinkooda.

Guusha Ramla Ali ayaa Soomaaliya u noqotay dhacdo weyn balse aan la hadal hayn, taasoo ah nasiib daro weyn, iyadoo magaceeda lagu xusuusan doono feeryahannada Soomaaliyeed ee heerka caalamiga ah ka gaaray guulo waaweyn.