Wednesday, November 11, 2026

Madaxweyne ku-xigeen Is-casilay Markii la Ogaaday in aanu Lahayn Aqoon ku Filan..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters madaxweyne ku-xigeenkiii dalka Indonesia Gibran Rakabuming Raka ayaa iska casilay xilkii uu hayey ka dib markii la ogaaday in aanu haysan shahaadooyin u qalma xilka u hayo isla markaana shahaadooyinkii uu sheegtay aanay ahayn kuwo ansax ah.

39 jirkan oo uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Indonesia Joko Widodo ayaa istaqaaladiisa si rasmi ah u gudbiyey isaga oo waraaqaha is casilaada gaadhsiiyey Madaxtooyada Jakarta.

Ninkan ayaa lagu sameeyey baadhitaan ay sameeyeen garsoorka sare ee Indonesia waxana ugu dambayn soo baxday in aanu lahayn aqoontii uu xafiiskan ku sii joogi lahaa taas oo keentay in uu is casilo maanta oo Arbaca ah.