Wednesday, November 11, 2026

Somaliland Oo Maanta Sagootisay Saraakiil Dab-damis Tababar Ugu Diray Dalka Taiwan.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa xarunta Wasaaradda ku sii sabootiyey saraakiil ka tirsan Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo u ambabaxaya dalka Taiwan si ay uga qayb galaan tababarro xirfadeed.

Tababarradan oo ay qabanayso Hay’adda Dab-demiska Qaranka ee Taiwan (NFA), ayaa qayb ka ah iskaashiga Isbahaysiga Caalamiga ah ee Maaraynta Masiibooyinka (WADM), oo Somaliland ka mid tahay dalalka aasaasay.