Wednesday, November 11, 2026

Iiraan Oo ku Hanjabay Inay Weerari-doonaan Yurub Hadii Maraykanku Qaado Weerar ka Dhan ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha gollaha sare ee ammniga qaranka Iiraan oo fariin kama dambeysa u direy dalalka ay ku yaalaan saldhigyada Mareykanka ayaa sidan yidhi.

“Haddii Mareykanku mar kale nagu khaldamo oo ay na soo weeraraan waxa aan beegsan doonnaa dalalka Yurub & salshigyadiisa, kuma koobnaan doonno Bariga-dhexe.

“Waxaan kula talinayaa dhammaan dalalka ay dhulkooda ku yaalaan saldhigyada milatari ee Mareykanka ineysan waxa gacana ka geysan weerar kasta oo milatari oo Mareykanku ku qaadayo Iiraan.”

“Meel kasta oo diyaaradaha Mareykanku ay kasoo duulaan waxaan u aqoonsan doonaa iney khatar toosa nagu tahay, arrintaasna si cad ayaan hada idiinku sheegayaa si aad berri u helin wax marmarsiiyo ah.”

Wuxuuna intaasi sii raaciyay. “Hadii uu Mareykanku sameeyo talaabo nacasnimo ah, waxaa dhici karta inaan bartilmaameedsano qaar kamid ah jasiiradaha ay Mareykanku aaminsan yihiin in gantaaladeenu aysan gaadhi karin, sidoo kale waxaa dhici karta inaan bartilmaameedsano qaar kamid ah saldhigyada milatari ee Mareykanku ku leeyahay Yurub, sidoo kale, hadii diyaaradaha Mareykanku ay kasoo duulaan saldhig milatari oo fog oo ay duqeeyaan Iiraan, iyaguna nagama badbaadi doonaan, waana beegsan doonaa.”

“Trump iyo Natanyahu na hadii ay go’aansadaan iney weerar cusub kusoo qaadaan Iiraan sida ku cad xisaabtooda, dagaalku ma socon doono wax kabadan sedex ilaa shan maalmood.”