Wednesday, November 11, 2026

Dawlada Kosovo Oo Walaac ka Muujisay Wafdi Somaliya u Dirtay Oo ka Baxsaday.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warqad diblomaasiyadeed oo lagu sheegay inay ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kosovo ayaa walaac ka muujisay halka ay ku sugan yihiin sagaal xubnood oo ka tirsanaa wefti Soomaaliya ah oo dalkaas booqday 25-kii ilaa 28-kii Oktoobar.

Warqadda ayaa sheegaysa in xubnahan ay 27-kii Oktoobar ka baxeen goobtii ay deganaayeen, iyaga oo aan ogeysiin masuuliyiintii qaabilsanaa, isla markaana aanay ka soo muuqan garoonka diyaaradaha xilligii loo qorsheeyey inay dalka ka dhoofaan.

War-saxaafadedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay si degdeg ah u bixiso xog ku saabsan halka ay joogaan sagaalka qof, xaaladdooda iyo badqabkooda.