Friday, November 13, 2026

Trump Oo Garab istaagay Go’aanka dalalka Khaliijka, Diidayna Dalabka Netanyahu

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa la sheegay inuu garab istaagay dalalka Khaliijka, isaga oo ilaa hadda ka dhego-adaygay cadaadiska Netanyahu ee ku aaddan in dib loo bilaabo dagaalka Iiraan, sida ay maanta baahisay warbaahinta Axios oo xiriir dhow la leh Aqalka Cad.

Netanyahu ayaa dadaal kasta ugu jira inuu ka hortago in xilka laga qaado, taas oo dhici karta haddii mucaaradku ku guuleysto dhismaha dawlad cusub oo israa’iil, oo uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot. Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Israa’iil ayaa ka cabsi qaba in Netanyahu isku dayo inuu Iiraan ka xanaajiyo si ay dagaal cusub u bilowdo, taas oo uu uga faa’iideysan karo inuu fashiliyo isbeddelka siyaasadeed ee Israa’iil.

Maanta, Washington waxaa gaaray madaxa sirdoonka Israa’iil ee Mossad, Roman Gofman, oo si dhow ugu xiran Netanyahu. Wuxuu kulamo la yeelanayaa saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Trump, oo uu ku jiro agaasimaha CIA-da John Ratcliffe. Booqashadan ayaa muujinaysa dadaalka sii socda ee Netanyahu uu Trump ugu cadaadinayo inuu dib u bilaabo dagaalka Iiraan, xilli uu wajahayo halis ah inuu awoodda ku waayo, haddii la dhiso dawlad cusub oo uu hoggaamiyo Eisenkot.