Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Saar, ayaa dowladda UK ku eedeeyay inay faragelin ku hayso doorashada Israa’iil, taas oo dhici doonta dhammaadka bisha Oktoobar.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Israa’iil ay si cad oo aan mugdi ku jirin u diidan yihiin in la dhiso dowlad Falastiini ah, wuxuuna dowladda UK ku eedeeyay inay hurinayso nacaybka loo qabo Yuhuudda.
Sidoo kale Wasiirka Amniga Qaranka ee Israa’iil ayaa ugu baaqay Benjamin Netanyahu inuu “xiro qunsuliyadda Britain ee Bariga Qudus.”
Itamar Ben-Gvir ayaa qoraal uu ku daabacay X ku sheegay in qunsuliyaddu ay “si cad ugu shaqeyso magaca Maamulka Falastiin.”
“Tani waa inay noqotaa jawaabta go’aanka adag ee Israa’iil ka bixineyso dhiirranaanta Britain,” ayuu intaas ku daray.
