Tuesday, September 8, 2026

Puntland Oo Talaabo ka Qaaday Gabar Duubtay Muuqaal Caro ka Dhaliyay Baraha Bulshada.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Booliska Puntland ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyay muuqaal si weyn caro uga dhaliyay baraha bulshada, kaas oo muujinayay gabar yar oo ay jir-dilayaan gabdho kale oo ka waaweyn.

Taliska Booliska Puntland, gaar ahaan Qaybta Gobolka Karkaar, ayaa magaalada Qardho ku xiray laba gabdhood oo walaalo ah, kuwaas oo lagu kala magacaabo Maymuun Sharmaake Nuur iyo Mulki Sharmaake Nuur. Labada gabdhood ayaa lagu eedeynayaa inay ku lug lahaayeen jirdil iyo tacaddi loo geystay gabar carruur ah.

Muuqaalka dhacdada oo si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa muujinayay gabar yar oo loo geysanayo falal jirdil iyo tacaddi ah, iyadoo dhacdada laga duubayay muuqaal.

Booliska Puntland ayaa sheegay in labada eedeysane loo gudbin doono hay’adaha garsoorka, si baaritaan iyo tallaabo sharci ah looga qaado.

“Ciidanka Booliska ayaa si degdeg ah uga hawlgalay dhacdadan, waxaana eedeysanayaasha loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka ee ay khuseyso, iyadoo baaritaan rasmi ah uu socdo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Booliska ayaa sidoo kale si adag uga digay in la duubo, la faafiyo ama dib loo baahiyo muuqaallo muujinaya jirdil iyo tacaddi, gaar ahaan kuwa la xiriira carruurta. Bulshada ayaa loogu baaqay in muuqaallada noocaas ah aan la sii faafin, balse xogta dhacdooyinka noocaas ah si toos ah loogu gudbiyo hay’adaha amniga.

Dhacdadan ayaa si weyn uga careysiisay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dad badan ay dalbadeen in dadka lagu eedeeyay falkaasi la soo qabto oo sharciga la horgeeyo.

Booliska Puntland ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ay qeyb ka tahay dadaallada lagu ilaalinayo carruurta, lagagana hortagayo fal kasta oo wax u dhimaya badqabka iyo karaamada bulshada.