Puntland ayaa ka hadashay duqeymo ay maraakiib dagaal oo caalami ah 18-kii iyo 20-kii Agoosto ka geysteen deegaanka Garmaal ee xeebaha Puntland, iyadoo sheegtay in weerarradaasi lagu beegsaday dad kalluumaysato ah iyo hantidooda.
Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Puntland ayaa cambaaraysay duqeymaha, iyadoo sheegtay inay walaac ka qabto waxyeellada ka dhalan karta hawlgallada noocan ah ee ka socda deegaannada u dhow xeebaha lagu hayo maraakiibta ay afduubteen burcad-badeeddu.
Puntland waxay sheegtay in duqeymahaasi ay wax u dhimi karaan iskaashiga kala dhexeeya hay’adaha amniga iyo saaxiibbada caalamiga ah ee la dagaallanka burcad-badeednimada, iyadoo sidoo kale ka digtay in shacabka aan ku lugta lahayn falalka burcad-badeednimada ay waxyeello kasoo gaari karto.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday dowladaha leh maraakiibta dagaalka ee duqeymaha ka geystay Garmaal inay si degdeg ah uga jawaabaan ujeeddada hawlgalladaas.
Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay inay baaritaan ku hayso xog ku saabsan in dhinacyo ka baxsan Puntland ay ku lug leeyihiin hawlgallada cusub ee burcad-badeednimada, iyadoo xustay inay qaadday tallaabooyin lagu xoojinayo laamaha amniga iyo masuuliyiinta degmooyinka xeebaha.
Puntland ayaa sidoo kale sheegtay inay soo dhoweynayso cid kasta oo diyaar u ah inay gacan ka geysato la dagaallanka burcad-badeednimada iyo sidii xorriyaddooda loogu soo celin lahaa maraakiibta ay burcad-badeeddu hadda haystaan.
Warka kasoo baxay Puntland ayaa imaanaya maalmo kaddib markii diyaarado oo la sheegay in laga leeyahay dalka Turkiga ay duqeymo ku dileen 4 qof oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen burcad badeed haysatay Markab lagu qafaashay xeebaha Puntland.

