Wednesday, November 18, 2026

Sacuudiga Oo Sheegay Inuu Isku Diyaarinayo Dagaal Dheer Oo Uu la Galo Xuutiyiinta

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sacuudiga ayaa isku diyaarinaya in dagaalka uu kula jiro Xuutiyiinta uu sii socdo ilaa bisha May ee sannadka 2027, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba sarkaal oo reer Galbeed ah oo xog-ogaal u ah qorshayaasha Riyadh.

Sida ay saraakiishaasi sheegeen, Sacuudigu ma qorsheynayo inuu dib ugu laabto wada-hadallada Xuutiyiinta ilaa Dowlada Yemen ee uu taageero ay guulo muuqda ka gaarto dhinaca dagaalka, isla markaana uu muujiyo awood uu dib ugu qabsan karo dhulalka ay maamulaan Xuutiyiintu.

Riyadh ayaa isku diyaarinaysa in dagaalku sii socdo ilaa May 2027, taas oo muujinaysa in Sacuudigu uusan haatan mudnaan siinayn xal siyaasadeed oo degdeg ah.

Sacuudigu ma doonayo inuu miiska wada-hadallada kula fariisto Xuutiyiinta ilaa ciidamada taabacsan PLC ay guulo la taaban karo ka gaaraan goobaha dagaalka.

Sacuudiga iyo PLC ayaa lagu soo warramayaa inay qorsheynayaan xoojinta difaaca magaalada Cadan, iyagoo dadaallada milatari u weecinaya jiidda bari ee Yemen.