Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in saddex diyaaradood oo dagaal oo nooca F-16 ah, kuwaas oo ciidanka cirka Turkigu horraantii sanadkan keenay magaalada Muqdisho, laga saaray hawlgalladii ay ka wadeen Soomaaliya, si loogu sameeyo dayactir iyo adeegyo farsamo oo joogto ah.
Wasaaradda ayaa caddeysay in tallaabadan ay qeyb ka tahay nidaamka caadiga ah ee dayactirka iyo wareejinta diyaaradaha milatariga, ayna tahay mid la xiriirta diyaaradaha waqtigoodu gaaray in dib u habeyn farsamo lagu sameeyo, balse aysan ka dhignayn in Turkigu soo afjarayo joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya.
War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa lagu sheegay in duuliyeyaasha ka tirsan ciidanka cirka Turkiga ay si guul leh u dhammaystireen hawlgalka diyaaradaha looga qaaday Muqdisho, kuwaas oo loo waday saldhigga diyaaradaha ee Bandırma ee dalka Turkiga.
Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in safarka diyaaradaha uu qaatay 55 saacadood, iyadoo laba duullimaad lagu maray masaafo dhan 11,038 kiiloomitir, taas oo muujineysa awoodda saadka iyo farsamada ee ciidanka cirka Turkiga.
Kadib markii la shaaciyay in diyaaradaha F-16 laga qaaday Muqdisho, waxaa baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta lagu faafiyay warar sheegaya in dowladda Turkigu ay bilaawday inay Soomaaliya kala baxdo saanaddeeda milatari, isla markaana ay suuragal tahay in tallaabadani qeyb ka tahay dhimista joogitaankeeda amni ee dalka.
Hase yeeshee, saraakiil ay la hadashay Yoolbaar Media ayaa beeniyay wararka sheegaya in Turkigu uu guud ahaan Soomaaliya kala baxayo awooddiisa milatari, iyagoo taageeray faahfaahinta ay bixisay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ee ku saabsan sababta diyaaradaha F-16 loo qaaday.
Saraakiisha ayaa tilmaamay in diyaaradahaasi ay u baahdeen dayactir joogto ah, isla markaana aanay jirin sabab loo fasirto in ka saaristooda hawlgallada ay ka dhigan tahay dhammaadka howlgalka milatari ee Turkiga ee Soomaaliya.
Dhanka kale, waxaa la sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee nooca T129 ATAK iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee TB2 ay sii wadi doonaan howlgallada milatari ee ay ka wadaan Soomaaliya.
Diyaaradaha T129 ATAK waa kuwa loogu talagalay weerarrada cirka iyo taageerada ciidamada dhulka, waxaana loo adeegsan karaa beegsiga goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha hubeysan, gaadiidka dagaalka iyo bartilmaameedyada kale ee milatari.
