Warbaahinta Bloomberg, ayaa maanta ku warrantay Ingiriisku inuu ka cabsi qabo , Trump inuu weerar kale ku qaado Iiraan, kaasoo ay aaminsanyihiin inuu khatar gelinayo dhaqaalaha iyo amniga Ingiriiska.
Warbixintu waxay sheegtay dawladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Andy Burnham inay qiimeyn ku samaysay xaaladda, waxayna aaminsan tahay in heshiis wada-hadal lagu gaaro uu yahay mid aan si fudud u suurageli karin. Sidoo kale, Iiraan ayaa weli haysata awood milatari oo ku filan inay ka jawaabto weerarro kale oo lagu qaado.
Ingiriiska iyo xulafadeeda Khaliijka ayay warbixintu sheegtay si hoose ugala hadleen Mareykanka inuu ka fogaadoam weerarro cusub oo ka dhan ah Iiraan.
Dhanka kale, wasiirrada dawladda Ingiriiska ayaa wajahaya go’aan adag oo ku saabsan sida ay uga jawaabi lahaayeen haddii Mareykanku codsado inuu adeegsado saldhigyada milatari ee Ingiriiska si uu weerarro uga fuliyo Iiraan.
