Sunday, November 22, 2026

Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qadar oo Cambaareeyey Weerar ay Iiraan ku Qaaday Baxrayn.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa cambaareysay weerarrada Iiraan ay ku qaadday Baxrayn, iyadoo sheegtay inay si “aad u xooggan” u diiddan tahay weerarradaasi.

War-saxaafadeed ay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudigu ku baahisay barta bulshada ee X ayay ku sheegtay in Boqortooyadu “ay si buuxda ula garab taagan tahay Baxrayn dhammaan tallaabooyinka ay qaaddo si ay u ilaaliso amnigeeda iyo xasilloonideeda”.

Bayaan ka soo baxay Riyadh ayaa sidoo kale Tehran ku eedeeyay inay wiiqayso “amniga iyo xasilloonida gobolka”.

Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa iyaduna sheegtay in weerarradii ugu dambeeyay ay yihiin “xadgudub cad” oo ka dhan ah madaxbannaanida Baxrayn.

Waxay sidoo kale muujisay “garab-istaag buuxa oo Imaaraadku la garab taagan yahay Boqortooyada Baxrayn, iyo taageerada dhammaan tallaabooyinka ay qaaddo si ay u ilaaliso amnigeeda iyo xasilloonideeda”.

Qadar, ayaa iyaduna bayaan gaar ah ku cambaareysay weerarka Iiraan ay ku qaadday “xarun warshadeed oo rayid ah” oo ku taalla Baxrayn.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay: “Waxaan adkeyneynaa mowqifka adag ee dowladda Qadar ay kaga soo horjeeddo weerarrada lagu qaado xarumaha dhaqaalaha, goobaha rayidka iyo dadka rayidka ah. Waxaan sidoo kale caddeyneynaa in sii socoshada weerarradani ay horseedayso koror halis ah oo xiisadda ah, kaas oo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka.”