Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin kula hadlay in ka badan 80 xildhibaan oo Dimuqraadi ah oo dhawaan la doortay.
Wuxuu u sheegay inay matalayaan jiil cusub oo hoggaamineed oo ka dhex jira xisbiga Dimuqraadiga, Wuxuu ku boorriyey inay iska kaashadaan inkastoo ay ku kala duwan yihiin fikradaha siyaasadeed, inay xoogga saaraan sidii ay natiijooyin wax ku ool ah ugu keeni lahaayeen shacabka Maraykanka, isla markaana ay ka sii ambaqaadaan guulihii hore ee xisbiga Dimuqraadiga halkii ay ku mashquuli lahaayeen khilaafaad iyo muran siyaasadeed oo gudaha xisbiga ah.
