Dowladda Federaalka ayaa Xidhay Garoonka Diyaaraha ee Beledweyne, iyada oo sheegtey in ay ka jirto xiisad amni.
Dadka Beledweyne ayaa ku jira kacdoon ka dhan ah DFS, iyaga oo diidey ka mid ahaanshaha maamulka Hirshabeelle, waxaana weli socda ciidamo iyo siyaasiyiin ku biiraya kacdoonka, iyada oo hoggaanka dhaqanku sheegeen in ay maamul u gaar ah Hiiraan dhisayaan.
U qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka Gen Cali Jeyte Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa faahfaahin ka bixiyau weerarkii maleeshiyaad hubeysan ay dhawaan ku qaadeen garoonka Ugaas Khaliif, wuxuuna raali galin siiyay ciidanka jabuuti ee qaabilsan amniga garoonka.
Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa weli kacsan, iyadoo baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo muujinaya helikobtar dul heehaabaya hawada magaalada iyo deegaannada ku xeeran.
