Tuesday, November 24, 2026

Dowladda Itoobiya Oo Wada-hadal Nabadeed Ugu Yeedhay Dhinacyada ku Dagalamaya Sudan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Itoobiya ayaa ku baaqday in wada-hadal nabadeed ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada kala duwan ee dalka Suudaan, iyadoo Itoobiya ay garwadeen ka tahay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa soo bandhigay hindise nabadeed oo ku socda dalka sudaan.

Qodobada ugu muhiimsan ee Baaqa abiy ahmed.

1. In dhammaan dhinacyada milatariga iyo siyaasadda Suudaan ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan.

2. In Itoobiya martigeliso, isla markaana garwadeen ka noqoto wada-hadallada.
3. In la joojiyo dagaalka iyo dhiigga daadanaya.
4. In la dhiso dowlad midnimo qaran oo ay dhinacyada Suudaan ku heshiiyaan.
5. In shacabka Suudaan ay iyagu go’aamiyaan mustaqbalka dalkooda.
6. In dib loo dhiso hay’adaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dagaalku burburiyay.
7. In beesha caalamka iyo dalalka gobolka ay taageeraan dadaallada nabadeed iyo gurmadka bani’aadantinimo.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in ujeeddadu aysan ahayn in dhinac ka adkaado dhinaca kale, balse ay tahay in Suudaan iyo shacabkeedu ka gudbaan dagaalka.