Friday, September 25, 2026

Itoobiya Oo Masar, Sudan Iyo Eriteriya ku Eedeysey in ay Hurinayaan Colaad ka Socota Gudaha Dalkaasi.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Itoobiya ayaa dalalka Masar, Suudaan, iyo Ereteriya ku eedeysay inay hurinayaan colaado ka socota gudaha dalka, kaasoo lagu wiiqayo amniga dalkeeda, sida uu shaaciyay Taliyaha Guud ee Ciidamada.

Dhanka kale, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Itoobiya ayaa warbaahinta dowladda ee ENA u sheegay inay ku jiraan diyaar-garow buuxa oo ay kaga jawaabayaan furimaha badan ee ka furan, isagoo ku goodiyay inay qaadi doonaan guluf ballaaran oo aysan ku joogsan doonin illaa ay ka gaaraan Badda Cas.

Hadalladan adag ayaa sare u sii qaadaya walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed iyo mida amni ee Geeska Afrika ay isu beddesho colaad gobolka wada saameysa.

Dhinaca kale Reuters ayaa sheegtay in hoggaamiyeyaasha TPLF ay amreen in la jaro Adeegyada internet-ka iyo taleefannada ee gobolka, markii ay la wareegeen maamulka gobolka Tigray isla markaana khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka Itoobiya

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in kooxo hubeysan oo taageersan TPLF” ay weerar qaadeen deegaannada dadka rayidka ee xuduudaha la wadaaga Tigray iyo Amhara, oo ay ka mid yihiin deegaannada Cafar, aagga Wag Khemra iyo degmada Lasta ee Waqooyiga Wollo.

Guddigu wuxuu sheegay in colaadda ay sidoo kale sababtay in la hakiyo duulimaadyada iyo adeegyada gaadiidka dhulka ee Tigray.

Sidaa darteed, wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh colaadda, gaar ahaan dhinacyadii saxiixay heshiiskii Pretoria, inay u hoggaansamaan heshiisyadii ay galeen.