Wednesday, November 25, 2026

Dowladd Suudaan oo Diiday Dalab Wada-hadal Oo Uga yimid Itoobiya.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

“Trump ayaa ka Hortagay inuu Qarxo dagaalkii Saddexaad ee Adduunka.”Madaxweynaha Belarus.

Dowladda Suudaan ayaa diiday soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ee ahayd in magaalada Addis Ababa lagu qabto wada-hadallo nabadeed oo dhex mara dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suudaan.

Xukuumadda Khartuum ayaa sheegtay in Itoobiya aysan buuxin shuruudaha looga baahan yahay dal dhexdhexaadinaya colaadda, iyadoo ku eedeysay Addis Ababa inay xiriir iyo taageero la leedahay xoogagga RSF ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda Suudaan.

Dowladda Suudaan ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay garab siinayso RSF, iyadoo sheegtay in labada dhinac ay xiriir la leeyihiin Imaaraadka Carabta oo ay Khartuum ku eedeyso inuu taageero milatari siiyo kooxda RSF.

Arrin kale oo culus oo ay dowladda Suudaan soo bandhigtay ayaa ah eedeynta ah in weerarro ka dhan ah dhulkeeda laga soo abaabulo ama laga fuliyo gudaha Itoobiya. Sidaas darteed, Khartuum waxay sheegtay in Addis Ababa ay marka hore wax ka qabato arrimaha ay ku eedeysan tahay ka hor inta aysan isu soo bandhigin dhexdhexaadiye.

Bayaanka Golaha Kumeel-gaarka ah ee Suudaan ayaa lagu sheegay in dowladda Khartuum aysan kalsooni ku qabin dhexdhexaadinta Itoobiya, iyadoo ku dooday in Addis Ababa ay xiriir la leedahay Imaaraadka iyo RSF, kuwaas oo ay ku eedeysay inay qayb ka yihiin colaadda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa shalay ku dhawaaqay in dowladdiisu diyaar u tahay inay gogol nabadeed u dhigto dhinacyada isku haya Suudaan, si loo helo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro dagaalka, haddii ay labada dhinac aqbalaan martigelinta Itoobiya.