Dhakhaatiir ka Socotay Somaliland Oo Tababar u Tagay Israa’iil Oo Laga Waramay..
13 dhakhtar oo ka socda Somaliland, isla markaana qaabilsan daawaynta iyo qaliinada dhaawacyada aadka u culus, ayaa tababar shaqo u tegay dalka Israa’iil.
Qoraal ay caawa soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil, ayaa lagu sheegay in safiirka Israa’iil u qaabilsan Somaliland Ambassador Michael Lotem uu la kulmay Dhakhaatiirta ka socday Somaliland, kuwaasi oo muddo toddobaad ah safar ku joogay Israa’iil.
Dhakhaatiirta Somaliland waxa ay booqdeen xarunta baxnaaninta bukaanada laga dawaynayo dhaawacyada culus ee dalkaasi Israa’iil, xaruntaasi oo la yidhaahdo
Loewenstein Rehabilitation MLedical Center, kana mid ah xarumaha baxnaaninta iyo daryeelka bukaanada ee ugu horumarsan dalka Israa’iil.
Sida ay dawladda Israa’iil sheegtay, waxa ay Dhakhaatiirta Somaliland soo arkeen horumarka tignoolojiyada daawaynta bukaanada qaba dhaawacyada culus, iyagoo aqoon iyo waayo-aragnimo ka helay khubarada caafimaadka Israa’iil.
