Friday, November 27, 2026

Cutub ka tirsan Ciidanka Cirka Ugandha oo soo Fool leh Somalia

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Uganda ayaa diyaarisay cutubkeedii lixaad ee Ciidanka Cirka oo loo soo dirayo Soomaaliya, si uu uga qaybqaato howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo loogu talagalay taageeridda dowladda Soomaaliya iyo xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka.

Cutubkan cusub oo loo bixiyay Aviation Unit VI ayaa qayb ka noqonaya ciidamada Uganda ee sida joogtada ah uga hawlgala Soomaaliya, kuwaas oo door muhiim ah ku leh taageerada howlgalka Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada la xiriira duulista iyo taageerada farsamo ee ciidamada howlgalka ku jira.

Munaasabad rasmi ah oo lagu sagootinayay ciidamada loo diyaariyay inay Soomaaliya yimaadaan ayaa lagu qabtay saldhigga ciidamada cirka Uganda ee Soroti, halkaas oo ay ka qaybgaleen saraakiil sare oo ka tirsan taliska Ciidanka Cirka dalkaasi.

Taliyaha Ciidanka Cirka Uganda, Sarreeye Guuto Charles Okidi, oo munaasabadda ka hadlayay, ayaa ciidamada kula dardaarmay inay muujiyaan anshax, xirfad ciidan iyo wada-shaqayn inta ay ku guda jiraan waajibaadka loo igmaday ee Soomaaliya.

Okidi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in askartu ay ilaaliyaan sumcadda ciidanka Uganda, isla markaana ay si masuuliyad leh u gutaan shaqada loo diray, iyagoo dhowraya xeerarka iyo habraacyada howlgalka.

Cutubkan lixaad waxaa hoggaamin doona Gaashaanle Sare Simon Andiandu, halka ku-xigeenkiisa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Ssempa Ndaula, kuwaas oo mas’uul ka noqon doona hoggaaminta iyo isku-dubbaridka howlaha cutubka inta uu ku jiro howlgalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Cirka Uganda ayaa sheegay in dirista cutubkan cusub ay muujinayso sida dalkiisu uga go’an tahay taageerada nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya.

Dhankiisa, Taliyaha Guud ee Shaqaalaha Ciidanka Cirka Uganda, Sareeye Guuto James Itungo, ayaa ciidamada kula dardaarmay inay dalkooda si sharaf leh ugu metelaan Soomaaliya, isagoo ku boorriyay inay muujiyaan feejignaan, karti iyo go’aan qaadasho xirfadeed marka ay la kulmaan xaaladaha kala duwan ee goobaha howlgalka.

Wuxuu xusay in ciidamada loo dirayo howlgalka ay tahay inay si buuxda u fahmaan masuuliyadda ka saaran ilaalinta amniga, wada-shaqaynta iyo gudashada waajibaadka loo igmaday, maadaama ay Soomaaliya uga hawlgeli doonaan iyagoo metelaya ciidanka iyo dowladda Uganda.

Sidoo kale, Taliyaha garabka Ciidanka Cirka ee saldhigga Soroti, Sareeye Guuto Collin Mbaga Nkwasibwe, ayaa sheegay in cutubka cusub loo diyaariyay tababbarro gaar ah oo waafaqsan baahiyaha howlgalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin injineernimada iyo amniga duulista.

Tababarradan ayaa loogu talagalay in ciidamada lagu qalabeeyo aqoonta iyo xirfadaha looga baahan yahay gudashada waajibaadkooda, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha iyo shuruudaha amni ee ka jira goobaha ay ka hawlgeli doonaan.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qaybqaata howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu ay muddo dheer dalka ka taageerayeen dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

Ciidamada Uganda ayaa sidoo kale qayb ka ah taageerada dhinacyada kala duwan ee howlgalka, waxaana cutubyada Ciidanka Cirka ay muhiim u yihiin awoodda duulista, taageerada farsamo, injineernimada iyo amniga hawlgallada cirka.

Dirista cutubkan lixaad ayaa imanaysa xilli howlgalka AUSSOM uu wajahayo masuuliyado waaweyn oo la xiriira taageeridda ciidamada Soomaaliyeed, ilaalinta goobaha muhiimka ah iyo xoojinta awoodda dowladda ee la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Howlgalka AUSSOM ayaa beddelay howlgalka ATMIS, isagoo si rasmi ah u bilowday 1-dii Janaayo 2025, waxaana ujeeddadiisu tahay inuu dowladda Soomaaliya ka taageero la wareegidda masuuliyadda amniga iyo xoojinta awoodda ciidamada qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ay soo saareen ciidamada Uganda laguma sheegin tirada askarta ka kooban cutubkan cusub, goobaha gaarka ah ee ay Soomaaliya kaga hawlgeli doonaan iyo muddada ay dalka ku sugnaan doonaan.

Sidoo kale, lama faahfaahin noocyada diyaaradaha ama qalabka duulista ee cutubkan la socda, balse waxaa la xaqiijiyay in loo diyaariyay waajibaad la xiriira baahiyaha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.