Dawladda Eritrea ayaa Itoobiya ku eedaysay inay diblomaasiyadda la xidhiidha marin-badeedka u adeegsanayso inay ku qariso hamigeeda dhul-ballaadhsiineed.
Eritrea ayaa ka digtay in sheegashooyinka dhuleed ee ay marar badan jeediyaan masuuliyiin sare oo Itoobiyaan ah, iyo hanjabaadaha lagu doonayo in marin-badeed lagu helo awood ciidan, ay caqabad ku yihiin madax-bannaanida dalalka gobolka iyo xuduudaha caalamku aqoonsan yahay.
War-saxaafadeedka Eritrea ayaa sidoo kale xusay Qodobka 2(4) ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo mamnuucaya hanjabaadda ama adeegsiga xoogga ka dhanka ah wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalalka.
Asmara ayaa sidoo kale diidday sababaha Itoobiya u soo bandhigayso helitaanka marin-badeedka, iyadoo sheegtay in dalalka aan bad lahayn ay xaq u leeyihiin inay badda ku gaadhaan heshiisyo ganacsi oo wada-xaajood lagu heshiiyey, balse aanay xaq u lahayn inay si kelidood ah u sheegtaan dekedo, u diraan ciidamo badeed ama sameeyaan heshiisyo wax u dhimaya madax-bannaanida dalalka xeebaha leh.
