Friday, November 27, 2026

“Jooji hubaynta cadowga Itoobiya” Abiy oo Farriin Adag u diray Eritrea

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

“Jooji hubaynta cadowga Itoobiya” Abiy oo farriin u diray Eritrea, sheegayna in Addis Ababa ay marin u helidda Badda Cas ku doonayso wada-hadal.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ka hadlay dadaallada dalkiisu ugu jiro helitaanka marin badeedka Badda Cas, isaga oo beeniyey eedeymaha sheegaya in Itoobiya ay doonayso inay Eritrea ku duusho.

Abiy ayaa ku adkaystay in Itoobiya aysan qorshaynayn duullaan milatari, balse ay danaha badeedkeeda ku raadinayso wada-xaajood iyo hab nabadeed.

“Waxay hadda leeyihiin, Itoobiya waxay ku duulaysaa Eritrea, waxayna dagaal u geli doontaa Badda Cas, Annagu duullaan ma samaynayno. Duullaan looma baahna; waxaan rabnaa inaan si nabad ah oo wada-hadal ah ku helno,” ayuu yidhi

Abey ayaa intaas ku daray“Waa inaan garannaa in muddo ay jirtay dib-u-dhac, isla markaana siyaasiyiinta Itoobiya ay mar ku khaldameen fahamka muhiimadda Badda Cas, hadda waxaan ku jirnaa baraarug istaraatiiji ah,” ayuu yidhi Raysal Wasaare Abey Axmed.