Saturday, November 28, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Modi Oo Taageero u Balan-qaaday Somaliya.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi, ayaa magaalada New Delhi kulan kula yeeshay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo dalkaas u jooga ka qaybgalka shirkii 25-aad ee Golaha Wasiirrada Ururka Iskaashiga Badweynta Hindiya (IORA).

Intii uu kulanku socday, Cali Balcad ayaa Ra’iisul Wasaare Modi gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya iyo Hindiya ay ku howlan yihiin xoojinta xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Wasiir-dowlaha ayaa magaalada New Delhi uga qaybgalay shirka IORA oo qabsoomay 27-kii Nofeembar 2026, kaas oo diiradda lagu saaray iskaashiga gobolka Badweynta Hindiya, amniga badda iyo ilaalinta khayraadka badaha.