Saturday, November 28, 2026

Somaliland Oo Berri Beelaha Warsan-gali kala Wareegaysa Gaadiid Dagaal Iyo Ciidamo Badan Oo ku Sugan Sanaag..

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Somaliland ayaa berri la wareegaysa in ka badan dhawr iyo tobban gaadhi iyo ciidamo afanteri ah oo tiro badan, kuwaas oo ka soo jeeda Sanaag, gaar ahaan Beelaha Warsangeli, isla markaana dhowaan ka soo goostay Maamulka Woqooyi-bari.

Gaadiidkan waxa weheliya kuwo Fiqiga ka yimid, oo uu wato sarkaal lagu magacaabo Ina Uurbeyte, oo hore Somaliland uga goostay, kuna biiray SSC, balse hadda soo noqday. Hayb ahaanna waa Naaleeye Axmed, Dhulbahante.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Cirro iyo saraakiil ciidan ayaa Ceerigaabo gaadhay caawa, waxaana duleedka magaaladaas la filayaa in berri munaasibad ballaadhan loogu qabto qaramaynta ciidamadan.