Saturday, November 28, 2026

Israel Oo ka Cabsi-qabta Weerar Uga Yimaada Iran Heegan-na Gashay Caawa

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Sida ay ku warramayso shabakadda wararka ee Walla oo ay soo xigatay Roya News, Isr4l ayaa heegan sare gelisay militarigeeda iyadoo laga cabsi qabo in Iiraan ay qaaddo weerar kedis ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Israel ama danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in la xoojiyay diyaargarowga ciidamada cirka iyo xarumaha taliska militariga, isla markaana uu jiro iskaashi dhow oo lala leeyahay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) si looga gaashaanto xaalad kasta.