Heemaal News Network

Madaxweyne Deni oo la kulmay Safiirka Mareykanka iyo Xubno kale (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadad dalka Kenya ayaa shir la yeeshay Safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambs. Richard H. Riley iyo masuuliyiin ka tirsan safaarada.

Siciid Deni iyo safiirka dowladda Mareykanka ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga taariikhiga ah, gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, dhismaha hay’adaha amniga iyo mashaariicda horumarin iyo maalgashiga.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale safiirka iyo xubnaha kale ee la socday kala hadlay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka iyo sidii mamaulka Puntland loogu madaxbanaaneen lahaa mashaariicda Mareykanka iyo beesha caalamka ku taageeraan dowladda.

Madaxweynaha Puntland ayaa xilligan waxaa khilaaf xooggan kala dhaxeeyaa dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna Deni doonayaa in mamaulkiisa si ka duwan mamaulada kale ee dalka ka jira ula macaamilaan wakiiladda beesha Caalmaka ee taageera Soomaaliya.