Sunday, November 29, 2026

Waa Cusub oo Baryay Muqdisho iyo Ankara.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Markabkii ugu horreeyay ee ku shaqeynaya khad maraakiib oo toos ah oo isku xiraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga iyo Muqdisho ayaa soo gaaray Dekedda Muqdisho, taas oo tallaabo muhiim ah u ah xoojinta xiriirka ganacsi iyo isu-socodka badeecadaha ee labada dal.

Wakiilka shirkadda maraakiibta Turkiga ee Akkon Lines ee Soomaaliya ayaa sheegay in khadkan cusub uu si weyn u dedejin doono gaadiidka badeecadaha, isaga oo muddadii rarka ee u dhexeysay Turkiga iyo Soomaaliya ka soo gaabinaya 35 ilaa 40 maalmood, una dhigaya 15 maalmood oo keliya.

Maxamed Cabdullaahi, oo ah madaxa shirkadda Ocean Network Shipping, isla markaana wakiil uga ah Akkon Lines Soomaaliya, ayaa sheegay in markabkii ugu horreeyay uu Istanbul ka soo ambabaxay 14-kii November, islamarkaana uu 28-kii November ku soo xirtay Dekedda Muqdisho.

Wuxuu xusay in shirkaddu howlaheeda Soomaaliya bilowday lix bilood ka hor, iyadoo markii hore maraakiibteedu ay Muqdisho imaan jireen laba jeer bishii, balse hadda la hirgeliyay khad toos ah oo fududeynaya isku socodka ganacsiga labada dal.
– Advertisement –

Cabdullaahi ayaa sidoo kale caddeeyay in muddada 15-ka maalmood ah ay khuseyso badeecadaha sida tooska ah uga yimaada Turkiga, halka badeecadaha laga soo raro dalal kale oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya, Pakistan, Liibiya, Sacuudi Carabiya iyo dalalka Yurub ay qaataan inta u dhexeysa 20 ilaa 25 maalmood.

Dhankiisa, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa sheegay in shirkadda Akkon Lines ay tahay shirkad weyn oo laga leeyahay Turkiga, isaga oo tilmaamay in maraakiibteedu ay Muqdisho imaan doonaan laba ilaa saddex jeer bishii.
– Advertisement –

Maareeyaha wuxuu xusay in adeeggan cusub uu faa’iido weyn u leeyahay ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga, maadaama uu yareynayo waqtiga iyo caqabadaha la xiriira soo dejinta badeecadaha.

Xafiiska cusub ee shirkadda oo laga furay degmada Waaberi ayaa noqonaya kii labaad ee ay ka hirgeliso Muqdisho, kaddib xafiiskii ugu horreeyay oo bishii June laga furay gudaha Dekedda Muqdisho.

Daah-furka rasmiga ah ee khadka cusub ee maraakiibta ayaa lagu wadaa in lagu qabto Dekedda Muqdisho maanta oo Axad ah, iyadoo tallaabadan la filayo inay sii xoojiso iskaashiga ganacsi iyo xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Turkiga.