Sunday, November 29, 2026

Pakistan Oo Markii u Horaysay Caddaysay inay Ciidamo u Dirtay Gudaha Sucuudiga

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Pakistan, ayaa markii u horaysay caddaysay inay ciidamo millatari u dirtay gudaha dalka Sucuudiga, si ay uga difaacaan weerarada Boqortooyada Sucuudiga kaga imanaya dhinaca Xuutiyiinta Yemen.

War maanta ka soo baxay Millatariga Pakistan, ayaa lagu sheegay in ciidanka ay u direen dalka Sucuudigu ay waajibkooda ka gudan doonaan gudaha dhulka Sucuudiga, iyagoo raacaya heshiiska iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Pakistan iyo Sucuudiga.

Waxa kaloo ay millatariga Pakistan sheegeen in tallaabadan millatariga loogu diray Sucuudigu ay qayb weyn ka qaadan doonto in xoojinta hannaanka difaaca ee dalka Sucuudiga oo xiligan waajaha khataro kala duwan.

Sucuudiga iyo Pakistan wax faahfaahin kale oo dheeraad ah kamay bixin tirada ciidanka la diray iyo muddada ay joogi doonaan gudaha Sucuudiga.