Sunday, November 29, 2026

Itoobiya Oo Diiday soo Jeedinta Somaliya ku Dhex-dhexaadinayso Masar,Xili ay Marin Badeed u Ogolaatay Itobiya

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Somaliya Oo Itoobiya u Balan-qaaday Marin Badeed +

Dowladda Masar ayaa markii ugu horreysay shaacisay faahfaahin ku saabsan dadaal diblomaasiyadeed oo ay Soomaaliya ku dooneysay inay ku dhex-dhexaadiso khilaafka muddada dheer u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, kaas oo salka ku haya biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka dhistay webiga Niilka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sidii loo heli lahaa xal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjaro muranka labada dal, iyadoo arrintan looga hadlay kulan ka dhacay dalka Turkiga, hase yeeshee uu sheegay in dadaalkaasi uusan miro dhalin kadib markii dowladda Itoobiya ay diidday hindisaha la soo bandhigay.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Qaahira kula yeeshay wariyeyaal, tifaftirayaal iyo masuuliyiin ka tirsan warbaahinta Masar, isagoo ka hadlayay muranka biyaha webiga Niilka iyo dadaallada Itoobiya ay ku dooneyso inay hesho marin ay u isticmaasho ganacsigeeda badda.

Warbaahinta Masar, gaar ahaan wargeyska Al-Shorouk, ayaa sidoo kale baahisay in hindisaha Soomaaliya uu ku jiray in Itoobiya loo oggolaado marin ganacsi oo ay ka isticmaasho deked ku taalla xeebaha Badweynta Hindiya, koonfurta magaalada Muqdisho, si ay badeecadaha u soo dejisato ugana dhoofiso dalka.

Hase yeeshee, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Masar, Itoobiya ayaa diidday soo-jeedintaas, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta dhammaan qodobadii lagu gorfeeyay kulanka Turkiga.

Dhinaca kale, Masar ayaa ku adkeysanaysa in muranka biyo-xireenka Itoobiya iyo baahida ay Itoobiya u qabto marin-badeed ay yihiin laba arrimood oo kala madax-bannaan, ayna tahay in khilaafka webiga Niilka lagu xalliyo heshiis sharci ah oo dammaanad qaadaya xuquuqda dalalka uu webigu maro, gaar ahaan Masar iyo Suudaan oo ku tiirsan biyaha Niilka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegay in amniga biyaha dalkiisa uu yahay arrin jiritaan qaran ah oo aan laga tanaasuli karin, isagoo ku baaqay in Itoobiya ay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda dalalka kale.