Heemaal News Network

Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Eritrea Oo Xabsi ku Dhex Geeriyooday

Wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea Berhane Abrehe, isla markaana aad u dhaliili jiray madaxweynaha haatan ee dalkaas – ayaa ku geeriyooday gudaha xabsiga, sida ay qoyskiisu shaaciyeen.

Ninkan oo 79 jir ahaa wuxuu ahaa wasiirkii maaliyadda ee ugu muddada dheeraa Eritrea, balse waxaa laga qaaday xilka sanadkii 2012 kadib markii ay isku dhaceen Madaxweyne Isaias Afwerki.

Lix sano kadib, xabsi ayaa la dhigay kadib markii uu soo saaray buug uu madaxweynaha ku tilmaamayo “keligii taliye” kaasoo u baahan inuu is casilo.

Qoyskiisa ayaa sheegay in xukuumadda, oo inta badan aan xaqiijin geerida saraakiisha sare ee xabsiga ku jira, ay iyaga soo ogeysiisay geerida Mr Berhane.