Iiraan ayaa shuruudo 10 qodob ka kooban u dirtey Pakistan, iyadoo ka jawaabaysa soo jeedinta Mareykanka ee ku saabsan in la joojiyo dagaalka.
Iiraan ugu horeyn waxay gabi ahaanba diiday in heshiis kumeel gaadha laga gaadho dagaalka, waxay dalbatey in si kama dambeysa loo dhameeyo.
Qodobada ay Iiraan dalbatey waxaa kamid ah.
– in la joojiyo dagaalada gobolka.
– in cunaqabateynta laga qaado.
– in la siiyo taageero dib u dhis ah.
– iyo in la helo xeerar ammaan ah oo maraakiibtu ay ku mari karaan marin biyoodka Hormus.
Dowladda Iran ayaa si cad u diiday qorshe 15-qodob ah oo uu Mareykanku soo jeediyay, kaasoo la xiriiray xabbad-joojin iyo wada-hadal diblomaasiyadeed. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa sheegay in qorshahaasi uu yahay mid aan macquul ahayn isla markaana aan la aqbali karin.
WAR CUSUB: Xu/tiyiinta Yaman oo hada hadlay ayaa sheegay in ay ixtiraami doonnaan xabad joojin ay la gallaan Mareykanka hadii Mareykanku uu joojiyo weerarada ka dhanka ah.
Masuul sare oo u hadlay Xu/tiyiinta ayaa sheegay in kooxdu aysan qorsheyneyn in ay bartil-maameedsadaan maraakiibta maraya Badda-cas iyo hantida Mareykanka, hadii xaaladu aysan kasii darin..
Sidoo kale wuxuu sheegay iney weerari doonin dalalka kale ee Islaamka ah hadii aan lagu kalifin, wuxuuna digniin u direy Sucuudiga, isagoo u sheegay hadii ay ka fogaadaan dhibaatada iney iyaguna weerari doonin dekadaha Boqortooyada.
Ugu dambeyn wuxuu si cad u sheegay hadii ay xiisadu sii korodho iney Xu/tiyiintu albaabada iskugu dhufan doonaan badda-cas iyo marinka baabul mandab.