Iran ayaa weerar ku qaaday warshad batrool kiimiko oo ku taal magaalada warshadaha Jubail, gobolka Bariga ee Sacuudi Carabiya. Weerarkaan waxaa xaqiijiyey wakaaladda wararka Fars ee Iran.
Warbixinaha qaar waxay sheegeen in dhismooyin waaweyn oo warshadeed uu dab ka kacay ka dib duqeynta, iyadoo la maqlayey qaraxyo xoog leh.
Ciidamada difaaca ee Sacuudiga ayaa la sheegay inay ka hortageen qaar ka mid ah gantaalada, balse ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo ay dowladda Sacuudigu ka bixisay weerarka ama khasaaraha ka dhashay.
Jubail waa magaalo warshadeed muhiim ah, oo ay ku yaalaan warshado badan oo soo saara batroolka, kiimikada, bacaha kemikaalka iyo walxo kale, isla markaana ay ka shaqeeyaan shirkado waaweyn sida Saudi Basic Industries Corporation (SABIC).

