HNN: Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday Israel, iyadoo dagaalka Iran iyo Maraykanka uu sii xoogeysanayo. Waxay sheegeen inay fuliyeen weerar gantaallo ah oo ay ku bartilmaameedsadeen goobo milatari oo xasaasi ah.
Kani waa weerarkoodii ugu horeeyay tan iyo markii dagaalka Maraykanka-Israa’iil ee ka dhanka ah Iran uu bilaabmay. Yahya Saree, afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta, ayaa ku dhawaaqay weerarka Sabtidii isaga oo ka hadlay telefishinka Al Masirah, oo ay leeyihiin Xuutiyiinta.
Saree wuxuu sheegay in weerarada “ay sii socon doonaan ilaa hadafkii la shaaciyay la gaaro, sida lagu sheegay bayaankii hore ee ciidamada qalabka sida, iyo ilaa weerarka ka dhanka ah dhammaan iska caabinta uu joogsado.”
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay mid ka mid ah gantaallada weerarka ah ay qabteen.
Weerarku wuxuu yimid saacado kadib markii Saree uu sheegay bayaanno aan caddeynin Jimcihii, isagoo tilmaamaya in Xuutiyiintu ay ku biiri doonaan dagaalka ka taagan Bariga Dhexe, kaasoo la yaab ku noqday dhaqaalaha adduunka.
Gantaalada Xuutiyiinta iyo kuwa ay soo rideen isbulaha ayaa mar kuwada kulay Israaill, taas oo meel walba laga maqlay dhawaaqa digniinta.
Ka qaybgalka Xuutiyiinta dagaalka Maraykanka-Israa’iil ee ka dhanka ah Iran ayaa adkeyn kara in maraakiibta Maraykanku ka dagaalamaan badda cas, iyadda oo la ogaa weearadii ay Xuutiyiintu ku qaadi jireen maraakiibta dagaalka ee Maraykanka 2024 iyo2025-kii.
Heemaal News Network.