Israa’iil ayaa xoojisay weerarraa ay ku hayso caasimada dalka Lubnaan iyadoo sheegtay inay fulisay weerarkii ugu weynaa ee isku-duuban xilli dagaalka Iran hakad galay.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay duqeymo xooggan ku qaadeen bartilmaameedyo badan oo la xiriira ururka Hezbollah ee gudaha Lubnaan, taas oo loo arko mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka hadda socda.
Weerarradan ayaa imanaya xilli uu jiro xabbad-joojin ku meel gaar ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, balse Israa’iil ayaa sheegtay in heshiiskaasi uusan khusayn Lubnaan, isla markaana ay sii wadi doonto howlgaladeeda militari
Ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarradooda haddii aan la joojin duqeymaha ay Israa’iil ka gaysanayso Lubnaan, iyadoo heshiiskii xabbad-joojinta ee xalay la gaaray uu sheegay ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif inay qayb ka tahay joojinta weerarrada Lubnaan, balse Israa’iil ayaa sii waday weerarradaa Netanyahuna wuu sheegay inaysan Lubnaan qayb ka ahayn xabbad-joojinta, sida ay baahisay Al Jazeera.

