Iiraan ayaa ka dalbanaysa 1 dollar fuusto kasta oo shidaal ah oo ka gudbaysa marin-biyoodka Hormuz, waxayna rabtaa in lacagtaas lagu bixiyo lacagaha dhijitaalka ah ee crypto, iyadoo maalin kasta marinkan ay ka gudbaan 20 milyan oo fuusto, taa oo ka dhigan maalintii 20 milyan oo dollar inay ka helayso shidaalka ka gudbaya Hormuz, sida uu sheegay wargeyska Financial Times.
Iiraan ayaa qorsheyneysa inay si xaddidan oo ay iyadu maamusho u furto marinka Hormuz, ka hor wada-hadallo ay la yeelaneyso Maraykanka oo ka dhici doona Pakistan jimcaha todobaadkan.
Iiraan waxay sheegtay in maraakiibta ay khasab ku tahay inay u hoggaansamaan amarka Ilaalada kacaanka, iyadoo xabbad-joojintu weli tahay mid jilicsan, balse ay diyaar u tahay inay dagaal ku laabato haddii loo baahdo.
Iiraan waxay isku dayeysaa inay xakameyso marin-biyoodka ugu muhiimsan dunida, iyadoo weli albaabka u furan wada-hadal iyo suurtagal dagaal cusub.

