Sunday, September 6, 2026

Markab Dagaal oo Turki ah oo soo Gaaray Muqdisho.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Danjiraha Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa booqday markabka dagaal ee TCG Göksu, kaas oo shalay ku soo xirtay Dekadda Muqdisho, isagoo qeyb ka noqonaya howlaha Ciidanka Badda Türkiye ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

Danjire Aktaş ayaa markabka kula kulmay saraakiisha iyo askarta Ciidanka Badda Türkiye, waxaana uu uga mahadceliyay dadaalkooda iyo doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga badda iyo xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.

Booqashada ayaa ku soo aadeysa xilli iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu si weyn ugu fiday dhinacyada difaaca, amniga badda iyo tababarka ciidamada Soomaaliyeed. Türkiye ayaa sidoo kale door muhiim ah ka qaadanaysa dhismaha awoodda Ciidanka Badda Soomaaliya iyo ilaalinta xeebaha iyo biyaha Soomaaliya.

Joogitaanka TCG Göksu ee Muqdisho ayaa sidoo kale muujinaya sii xoojinta howlaha badda ee Türkiye ee Geeska Afrika, gaar ahaan ilaalinta amniga iyo danaha badeed ee gobolka.