Wednesday, April 8, 2026

Madaxwayne Ciro Oo ka Hadlay Dadaalo Lagu soo Afjarayo Colaadii Xeebaha Awdal iyo Salal.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in dedaallada nabadaynta ee Gobollada Awdal iyo Selel ay si habsami leh u socdaan, iyada oo ay halkaas ku sugan yihiin wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL.

Sida oo kale Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah hoosta uga xarriiqay doorka weyn ee ay hoggaannada dhaqanka Gobollada Awdal iyo Selel ku leeyihiin xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada walaalaha ah ee ku wada nool deegaannadaasi, isaga oo uga mahad naqay dedaalkooda joogtada ah ee lagu xaqiijinayo xasillooni waarta.

Madaxwayne Ciro ayaa hadalkan ka sheegay Fadhigii 59-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-gudoominayey, kaasoo maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.