Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Rayidka ee ka dhacay Sool iyo Hiiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si adag u cambaareeyay dilal lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo ka dhacay deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool iyo rabshado ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa maanta lagu sheegay in ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur iyo dad waayeel ah, lagu dilay weerarka Ari-Caddeeye.

Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay in rabshadihii ka dhacay Jalalaqsi ay sababeen dhimashada ugu yaraan 10 qof, iyadoo sidoo kale la gubay guryo ay lahaayeen dad rayid ah.

Guddigu wuxuu sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay beegsiga dadka rayidka ah, burburinta hantidooda, barakaca qoysaska iyo saameynta bini’aadannimo ee ka dhalatay dhacdooyinkan.

GMXIQ ayaa xusay inuu sameeyay qiimeyn hordhac ah oo ku saabsan labada dhacdo, isla markaana uu sii wadi doono la socodka xaaladda iyo wadashaqeynta hay’adaha ay khusayso.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay si degdeg ah u joojiyaan colaadaha, muujiyaan isxakameyn, isla markaana ilaaliyaan dadka rayidka ah iyo hantidooda, iyagoo u hoggaansamaya Dastuurka Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo bani’aadannimada.

Guddigu wuxuu ugu baaqay hay’adaha awoodda u leh Maamul Goboleedka Waqooyi Bari inay sameeyaan baaritaanno madax-bannaan oo hufan si loo xaqiijiyo isla xisaabtan, loogana jawaabo baahiyaha bini’aadannimo ee qoysaska ay saameeyeen rabshaduhu.

Sidoo kale, waxaa loogu baaqay odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay xoojiyaan dadaallada lagu dejinayo xiisadaha, laguna dhiirrigelinayo wada hadal iyo dib-u-heshiisiin.

Gabagabadii, Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen dhibbanayaashii rabshadaha, wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay, isagoo adkeeyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta nabadda Soomaaliya.