Afayeenka Baarlamanka Iiraan ayaa sheegay in durba la jabiyay sedex qodob oo kamid ahaa tobankii qodob ee Iiraan lagula heshiiyay.
1) Wuxuuu sheegay inaan la ixtiraamin qodobkii koobaad ee heshiiska oo ku saabsanaa joojinta dagaalka Lubnaan, kaasoo uu balanqaaday Ra’iisal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif.
2. Wuxuu sheegay in qodobkii dhigayay inaan lagu xadgudbin hawada Iiraan la jabiyay oo diyaarad drone ah ay soo gashay oo ku xadgudubtay hawadii Iiraan.
3. Wuxuu sheegay in sidoo kale la jabiyay qodobkii lixaad ee heshiiska kaasoo Iiraan siinayay xuquuq buuxda oo ku saabsan bacariminta Uranium-ka balse diideen Mareykanka iyo ISRL.

